7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay dhinacyadu hore u wada gaadheen
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka baxday dhamaan heshiisyadii ay hore u wadagaleen oo ay kamidtahay heshiiska maamulka hawada.

Qaraar ka soo baxay shirka todobbaadlaha ah ee golaha wasiirada oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii hawada iyo kuwo kale, kadib markii ay shalay dib u celisay diyaarad laga laha Itoobiya oo Hargaysa u socotay.

"Xukuumada Somaliland waxay beesha caalamka ku wargalinaysa in dowlada Soomaaliya ay ka baxday dhamaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland, sida in layska kaashado wixii nabada waxyeelaya, in laga fogaado hadalada abuuri kara nac iyo kala fogaansho iyo in hawada la wada maamulo" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Waxa uu sidookale dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay isticmaalayso hadalo la doonayo in bulshada loogu abaabulo in ay dagaal diimaysan ku qaado Somaliland "Dowlada Soomaaliya waxa ay xoqayeen arrimo diimeed, iyaga oo kicinayay dadwaynaha" ayuu yidhi.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland aanu ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya, lakiin uu yahay kiro sharciga waafaqsan oo muddo cayiman ah, isla markaana ay Itoobiya aqoonsadoonto madaxbannaanida Somaliland.

Waxa uu  sheegay in Somaliland ay tahay qaran buuxiyay shuruudihii dowladnimo, loona bahanyahay in la aqoonsado, dhinaca kalena waxay beesha caalamka ugu baaqeen in Soomaaliya lagu cadaadiyo in ay joojiso colaad uu sheegay in ay  ka wado gobolka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda aad uga soo horjeedsatay heshiiska iyada oo u aragta mid xadgudub ku ah madaxbannanideeda, iyada oo shalay dib u celisay diyaarad madax sare oo Itoobiyaan ah u safrinaysay Hargaysa.