7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Itoobiya oo ka hortimid hadalkii kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya Misganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga soo horjeedo bayaanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii iyada iyo Somaliland ku dhexmaray Addis Ababa.

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in hadalka kasoo yeeray Jaamacadda Carabta uu yahay isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madaxbannaanida Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Misganu Arga.

Jaamacadda Carabta ayaa kulan ay maalintii shalay ahayd isugu yimaadeen waxay ku taageereen Dowladda Soomaaliya iyo ilaalinta madax banaanideeda iyagoo dhinaca kale ku cambaareeyey Dowladda Itoobiya kaddib markii heshiiskii is afgaradka ahaa la galeen Somaliland, Jaamacadda Carabtu waxay heshiiskaas ku tilmaameen mid  khalkhal gelinaya Amniga iyo xasiloonidda  Nabadda gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa inta badan ka hortimid dadaallo badan oo la rabo in lagu xalliyo khilaafka soo kala dhex galay Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo ka dhashay heshiiskii dhawaan ku dhex maray Addis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee dhinaca Badda.

Wali Dowladda Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa mowqifkeeda ah hergalinta heshiiskaas, iyadoo ku sheegtay in wax is hortaagaya heshiiskaas dhinaca badda ah uusan jirin.