7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Maanta markale Hawada ka celisay diyaarad kusii jeeday Hargeysa
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta dib uga celisay Hawada Soomaaliya diyaarad nooceedu ahaa kuwa Xamuulka qaada oo ka diiwaan gishan dalka Thailand oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa.

Diyaaradaan laga celiyay Hawada Soomaaliya ayaa la sheegay iney kaso duushay magaalada Sharjah ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta, taasoo diiday iney faahfaahin ka bixiso agabka ay siday.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo)  oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa" ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay hay'adda Duulista ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hawada Soomaaliya aysan soo gali karin diyaarad aanan laga heynin wax macluumaad ah oo la xariira duulimaadkeeda.

“Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya" ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay dowladda Soomaaliya hawadeeda ka celisay diyaarad Itoobiyaan ah oo siday wafdi sare oo ka mid ah dowladda Itoobiya oo kusii jeeday magaalada Hargeysa, waxay diyaaradaan noqoneysa tii labaad oo laga celiyo hawada Soomaaliya mudo ka yar 30 saacadood.