7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kampala oo maanta ka furmayo Shirka Madaxda IGAD
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Kampala uga qeybgalaya shir lagu wado inu maanta uga furmo Kampala madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD, kasoo uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Shirka madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa ah mid ay kaga arrinasanayaan faro gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiis bilowgii bishan ay Addis Ababa kula gashay Somaliland.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Uganda halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor ka cudur daaratay kasoo qeybgalka shirkaan lagu wado inuu maanta ka furmo dalka Uganda, waxuuna shirkaan kusoo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku hayso heshiiskii Addis ku wada galeen Itoobiya iyo Somaliland.

Si kastaba ha haatee dowladda Soomaaliya waxaa garab istaag u muujiyay in ka badan 120 dal oo sheegay iney taageersan yihiin  midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.