7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Jaamacada Carabta oo xad gudub qaawan ku tilmaamtay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit, ayaa cambaareeyay heshiiska badda ee u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Heshiis is-afgarad ah oo la saxeexday 1-dii January, Somaliland ayaa ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda muddo 50 sannadood ah ka kirayso Itoobiya oo aan bad lahayn, oo doonayso inay halkaas ka samaysato saldhig ciidan oo badda ah iyo deked ganacsi.

Heshiiska ayaa sare u qaaday xiisada gobolka, waxaana Jaamacadda Carabta ay taageertay diidmada dowladda Soomaaliya ee heshiiskaas oo ay ku tilmaantay xadgudub lagu sameeyay madax banaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda dhuleed.

"Heshiisku waa weerar qaawan oo ka dhan ah mabaadi'da Carabta, Afrikaanka iyo kuwa caalamiga ah, waana xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda Carabta Arbacadii shalay.

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqeen in ay ka hortagaan tallaabo kasta oo marmarsiinyo looga dhigayo ka faa’iidaysiga jilicsanaanta duruufaha gudaha ee Soomaaliya.