7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Itoobiya waa cadawgeena sidaan Shabaab ula dagaalano ayaan ula diriraynaa”

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Salaadii Jimcaha khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xadgudubka dowladda Itoobiya kula kacday ay iska dhicinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Itoobiya iyo Al-shabaab labaduba iney yihiin cadawga ugu weyn ay leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacayaan dalka.

“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga,  Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab ah laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadana waa iska celinayna" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha Soomaaliya inta uu nool yahay qof Soomaali ah ineysan bixi doonin taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed, islamarkaana Itoobiya damaceeda uu yahay mid dib usoo celinaya waxyaabahii ay horay u aastay Soomaaliya.

“Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano. Itoobiya waa cadawgeena sidaan Shabaab ula dagaalano ayaan ula diriraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si wadajir ah ugu midoobaan ka hortaga xadgudubka dowladda Itoobiya ee salka ku haya boobka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo khudbada madaxweynaha oo dhameystiran:-