7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay weerar hoobiyaal ah oo ka dhacay Muqdisho
 

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar kooxda Al-shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal khasaare geystay oo Xalay ay ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Weerarka hoobiyaasha ah ayaa la xaqiijiyay inu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobay, kaasoo ku sugnaa dhismaha Xafiiska Qaramada Midoobay oo ku yaala agagaarka garoonka Aadan Cadde, sida lagu sheegay Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag" ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka uu gaystay waxyeelo kale oo soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobay.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan hoobiyaasha loo adeegsaday, mana ahan markii ugu horeysay oo ay kooxdu weerar noocaan oo kale ah ay ku qaado xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney ka go'an tahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageerto dadaalada lagu dhisayo nabada iyo xasilloonida Soomaaliya.