7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Puntland oo ugu baaqday dowladda Fedaraalka iney hakiso talaabooyinka socda inta laysaga imaanayo
 

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa war kasoo saartay shir ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore ee maamulkaas iyo masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ee la xariira shirka ayaa laga soo saaray laba qodob oo kan koowaad uu ahaa in shacabka reer Puntland ay ka shaqeyeen midnimada iyo wadajirka Puntland.

Qodobka labaad ee warsaxafadeedka ayaa sidoo kale ahaa mid loogu baaqay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney hakiso talaabooyinka masiiriga ah inta la isaga imaanayo si wadajir ah.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo”ayaa lagi yiri qoraalka lasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee shirkaan dhexmaray madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore iyo masuuliyiinta kale oo ay ka mid ahayeen raysal wasaarahii hore Cumar Cabdirashiid iyo Axmed Cawad Ciise ayaa lagu soo hadal qaadin xiisada culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xariirta damaca Itoobiya ku dooneyso iney ku boobto qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.