7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay taageerada iyo garab istaaga Shiinaha
 

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay taageerada dowladda Shiinaha ee la xariirta madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen dowladda Soomaaliya, isagoona muujiyay muhiimada ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir dowladda Shiinaha Fei Shengchao ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyo Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan yihiin Somaliland iney tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta axdiga Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Shiinaha ay ku biirtay saacado ka hor dalalka taageerada iyo garab istaaga u muujinaya dowladda Soomaaliya, kadib markii dowladda Itoobiya ay kusoo xadgudubtay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.