7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Shiinaha iyo Sacuudiga oo taageeray madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya
 

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Dowladaha Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa sheegay iney taageerayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay iney rajeyneyso in dalalka gobolka ay xalin doonaan arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisada culus ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyago u maraya hab diblomaasiyadeed.

"Shiinuhu waxuu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madax banaanida iyo wadajirka dhuleed. Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Shiinaha.

Dhanka kale dowlada Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay iney taageerayso madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay iney muhiim tahay deganaanshaha gobolka, islamarkaana loo baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da daris wanaaga.

Xiisadda culus ee u dhaxeyaa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo bilaabatay 1-dii bishan Janaayo, kadib markii ay heshiis kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo masuuliyiinta Somaliland ku sheegeen inuu u horseedayo in Itoobiya u aqoonsato dowlad madax banaan, taas bedelkeedana Somaliland ay dhul 20KM oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.