7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Madaxweyne Geelle oo Iclaamiyay shir deg deg ah oo looga hadlaayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD oo ay uga hadli doonaan xaaladaha kasoo cusboonaaday gobolka.

Shirka uu iclaamiyay madaxweyne Geelle ayaa ah mid si gaar ah ay uga arinsan doonaan madaxda Ururka arinta la xariirta xiisada culus ee ka dhalatay heshiis muran badan dhaliyay oo dhawaan Adis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Shirka ayaa ka dhici doona magaalada Kambala ee dalka Uganda 18-ka bishaan Janaayo, waxaana marti galinaya madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Urur goboleedka IGAD ayaa shirkaan uga jawaabaya baaqii dowladda Soomalaiya ee la xariiray in Ururka uu fadhi deg deg ah ka yeesho xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhawaan Adis Ababa heshiis la xariira iney hesho 20 KM oo ka mid ah biyaha Soomaaliya la gashay Somaliland, halka Itoobiya ay iyana Somaliland u aqoonsan doonto dowlad madax banaan.

Hoos ka akriso qoraalka