7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2024
Ciidamada Itoobiya oo laba qof ku dilay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya

Jimco, January, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan tuulada Qoolbulaalle ee dhacda xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliiska Somaliland iyo qof shacab ah.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Hargaysa, halka qofka shacabka ah ee la dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ahna lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Budul.

Sida warbaahintu baahisay askariga iyo qofka shacabka ah ayaa u dhintay toogasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee xuduuda, laakiin ilaaa hada lama oga sababta keentay toogashada.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduuduhu ay dilal u gaystaan dad shacab ah oo reer Somaliland ah, waxa jiray marar kala duwan oo dad shacab ahi ay ku dhinteen toogasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya.

Ilaa hada maamulada labada dhinac si rasmi ah faah faahin ugama baxin dilka dhacay, sababta keentay iyo hadii ilaa hada cid loo xidhay.