4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 29, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay dacwad ka gudbisay dowlada Soomaaliya
 

Khamiis, February, 29, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay xadgudub iskugu jira, dil, jidhdil iyo xadgububyo kale u gaysatay dadka kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan.

Warsaxaafadeed kasoo baxday shirkii golaha wasiirada ee maanta, oo uu warbaahinta u akhriya Wasiirka Warfaafinta Cali Maxamed Xasan 'Cali Mareexaan' ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dambiyo ka gashay reer Somaliland.

"Waxay dowlada Soomaaliya qaaday dagaal xoogan oo ka dhan ah shacabka reer Somaliland, kadib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka, waxay iskaashadeen kooxo kala duwan oo xagjir ah, waxa kale oo falalka cadaawada ah kamid ah in diyaarad qof xanuunsanaya qaadaysay ay celiyeen" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Waxa kale oo uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka tahay dad dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo la sheegay in la helay iyaga oo mayd ah, isaga oo sheegay in ay ahaayeen dilal qorshaysan, oo shacabka Somaliland loola jeeday.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay hay'addo caalami ah u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Soomaaliya, isla markaana ay ka xukuumad ahaan  caalamka ka codsanayaan in Soomaaliya lala xisaabtamo.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay maamusho badeeda, barigeeda iyo cirkeedaba, isla markaana heshiis kasta oo ay dowlada Soomaaliya gashaa aanu dhaqangal ka noqonayn ciida Somaliland.