4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhaw gaaray  magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kiyata kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka Gashaandhiga kenya Adan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ah ka qeyb galka Shirweynaha 6-aad ee arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada, kaasoo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo ka socda qaar ka mid ah dalalka Calaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato mudada uu ku sugan yahay magaalada Nairobi qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan waxaa ka mid Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhawaan kusoo xadgudbay Midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, kaasoo shalay isna gaaray Nairobi.