4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Ciidamada dowladda oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku laheyd deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Ciidamada Nabad sugida, Booliiska Haramcad iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan si wadajir ah uga sameeyay maanta deegaano oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa si wadajir ah howlgalka uga fuliyay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Jilib Marko iyo Buulo Nagey.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgalka ku burburiyeen xarumo kooxda Al-shabaab ku lahayeen dhulka howdka ah ee lagu kala magacaabo Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo tuulooyin kale oo hoostaga magaalada Marka Cadey.

“Dowlada Soomaaliya waxay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo shacabka oo is kaashanaya waxay la wareegeen in ka badan 20 deegaan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaankaan lagu magacaabo Jilib Marko ay duqeymo culus ka fuliyeen ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka, taasoo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.