1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
ONLF oo ka hadashay dhaca ay Ciidamadu ku hayaan xoolaha nool ee loo iib geeyo magaalada Jigjiga
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Ururka ONLF ayaa markii u horreysay waxa uu ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay Dowlad degaanka Soomaalida, iyo dhibaatooyinka soo noqnoqday ee shacabka degaanka ka haysta dhinaca Ciidamada Faderal Booliska oo sida la sheegay dhac ugaysanayay maalmihii lasoo dhaafay xoolaha nool ee ay shacabku usoo iibgeeyaan magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba ONLF ayaa waxay soo saareen  War saxaafadeed ay arrimahani kaga hadlayaan iyagoo ugu horreyn cambaareeyay dhaca iyo xad gudubka ay  Ciidamada Faderal Boolisku ku hayaan Alaabaha kala duwan iyo xoolaha nool ee ay leeyihiin shacabka Dowlad degaanka Soomaalida.

ONLF waxay sidoo kale War saxaagadeedkooda ku sheegeen in rasaas nool nool ay Ciidamadu la dhacaan gawaarida ay wataan Shacabku ee ku sugan Dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo xustay in arrimahani haddii ay sii socdaan ay waxyeello ugaysan karaan nabadda iyo xasiloonida ka jirta degaanka Soomaalida.

ONLF waxay sidoo kale ugu baaqday Dowladda Itoobiya in si degdeg ah loo joojiyo dhaca kala duwan ee lagu hayo hantida shacabka degaanka Soomaalida, iyadoo dhinaca kale ka codsatay Dowladda inay ilaaliso sharciga oo aysan ku xadgudbin xuquuqda ay leeyihiin shacabka Dowlad degaanka Soomaalida, cadaaladna kula dhaqanto.

Ugu dambayn, ONLF ayaa codsi u dirtay beesha caalamka iyagoo ka codsanaya inay beesha caalamku taageerto baaqa ONLF ee ah inay Dowladda Itoobiya joojiso dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka degaanka Soomaalida, isla markaana ay ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin shacabku.

War saxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay shacabka degaanka Soomaalidu la ildarnaa dhibaatooyin kala duwan oo kaga imaanayay dhinaca Ciidamada Faderal Booliska, gaar ahaan dadka ka ganacsada xoolaha nool oo iyaga oo xoolahooda Jigjiga usoo iib geynaya ay Ciidamada Faderalku ka qabsanayeen xoolahooda, iyagoo u sababaynaya inay yihiin xoolahani waxay ku sheegeen Kootarabaan ama sharci darro.