4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan uu ka mid yahay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo taliyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray dardar galinta howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab, dhameystirka bixitaanka ciidanka ATMIS oo qorshuhu yahay in gabi ahaan dalka isaga baxaan dhamaadka sanadkaan 2024.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hay'adaha amniga dalka kula dardaarmay adkeynta iyo ka dhabeynta hirgelinta habraaca xakameynta hubka iyo rasaasta ee lagu maamulayo dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka iney aas aas u aheyd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shirkaan Golaha Amniga qaranka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali qeybo ka mid ah dalka ay ka socdan howlagalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale xiisad adag kala dhaxeyso Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya.