4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir muhiim ah uga qeyb galaya dalka Kenya
 

Talaado, February, 27, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uga qeyb galo magaalada Nairobi ee dalka Kenya shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka.

Shirkaan oo Shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka Cimilada Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-makhzoumi iyo safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Jabril Ibrahim Cabdulle.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbedalka Cimilada Soomaaliya iyo wafdigeeda furitaanka Shirkaan Shalay ka qeyb galay ayaa hordhac u ah wafdi balaaran uu hoggaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb gali doona shirkaan muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, islamarkaana sidoo kale kulamo gaar gaar ah halkaas kula yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb galaysa shirkaas, waxaana madaxda ka qeybgaleysa shirka ka mid ah Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo dhawaan ku xadgudbay Midnimada iyo madax banaanida Dhuleed ee Soomaaliya.

Shirweynaha 6-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa socon doono ilaa 1-da bisha soo socota ee Maarso, waxaana diiradda lagu saaraya sidii ay dalalka Caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen wax ka qabashada dhibaatada deegaanka oo ay ugu horeyso wasaqowga hawada, isticmaalka bacaha, xaalufinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada.