4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2024
Madaxweyne Biixi: Dilalkan lasoo sheegayaa waa wax inagu ugub ah
 

Talaado, February, 27, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qaybgalay aaska Axmed Aadan Cabdiraxmaan, oo dhawaan maydkiisa laga helay hotel Muqdisho ku yaala, ayaa sheegay in si qorshaysan loo dilay.

Madaxweynaha oo hadal tacsi u badnaa ka jeediyay aaska Axmed oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in si aan hore loo arki jirin loo dilay.

"Dilalkan lasoo sheegaya waa wax inagu ugub ah, waxa la odhan jiray marka la arko arrin tan oo kale ah, maydkana waynu aasi, arrina waynu ka tashan, Somaliland uma oydo maydka iyo dilka, way ka tashataa" Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kadib markii Axmed la dilay hadana lagu been abuurtay oo lagu eedeeyay in uu isticmaalay kiniino maandooriye ah, si loo ceebeeyo, isaga oo sheegay in uu ahaa sheekh.

Madaxweynaya ayaa dowlada Soomaaliya sidookale dhawaan ku eedeeyay dilka Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ka tirsanaa Hay'adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed, oo isna Hargaysa lagu aasay kadib markii qolkiisa hurdada lagu dilay.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay dad u xidheen geerida labada shakhsi isla markaana ay wadaan baadhis, lagu ogaanayo cida ka danbaysay geeridooda.