4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2024
Ganacsatada xoolaha nool ee magaalada Jigjiga oo la dhibaateysan dhac ay Ciidamadu ku hayaan xoolahooda
 

Talaado, February, 27, 2024 (HOL) - Maalmihii u dambeeyay waxaa Dowlad degaanka Soomaalida ka jirtay xiisad ka dhalatay xoolaha nool ee loosoo iib geeyo magaalada Jigjiga, kuwaas oo laga keeno duleedka magaalada Jigjiga, tuulooyinka ku hareeraysan magaalada iyo magaalooyin kale ee u dhaw magaalada Jigjiga.

Haddaba Ciidamada Faderal Booliska ee Itoobiya ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxay dhibaato u gaysteen shacabka degaanka Soomaalida ee ka ganacsada xoolaha nool sida Adhiga, Dibida iyo wixii lamida, iyagoo dhac u gaystay xoolo tiro badan isla markaana dhibaato kale u gaystay dadkii xoolaha watay ee lahaa. Xoolaha ay dhacayaan ayaa waxay ku sheegeen Ciidamadu inay yihiin xoolahani kuwo sharci darro ah.

Waxaa u dambeysay dhacdo labo maalin ka hor ka dhacday sayladda xoolaha ee magaalada Jigjiga, halkaas oo xoolo badan ay ka kaxaysteen Ciidamada Faderal Boolisku iyagoo dadkii xoolahaa watayna markay hor is hortaageen in xoolahooda la kaxayato ay Ciidamadu ugu jawaabeen rasaas nool oo markii dambe keentay dhaawac badan.

Dhanka Xukuumadda degaanka Soomaalida waxay sheegtay inay dhibaato ka jirto ganacsiga xoolaha nool oo la xalin doono, balse waxay shacabka ku boorisay inay ku dadaalaan inay ganacsigooda sharci u samaystaan oo ay ka fogaadaan waxay Dowladdu ku tilmaantay Kootarabaanka.

Dhanka Shacabka degaanka Soomaalida waxay mar walba ku adkaysanayaan in xoolahooda oo ay ka keenaan guryo u muuqda magaalada Jigjiga aysan ahayn Kootarabaan ama sharci darro, waxayna Dowladda ka codasadeen inay hoos u eegto arrintan, oo ay ka gaadho xal rasmi ah.

Dhibaatadan dhaca ah ee Ciidamada Faderalku ku dhacayaan xoolaha nool ee shacabku leeyihiin ayaa wali sii socota, waxayna dad degaanku arrintan ku tilmaameen dhac badheedh ah oo lagu hayo shacabka degaanka ee xoolahooda usoo iib geeya magaalada Jigjiga.