Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Allaha u naxariistee Halyeey kamid ah Ciyaartooydii Hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Jeenyo Axmed Cabdikariim Walaayo oo loo yaqaanay Cantar Jeenyo kaa oo xanuun dhanka wadnaha uu kusoo booday waxaana loola cararay Isbitaalka Madiina oo goor dambe uu ku Geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Ee kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiine” ayaa tacsi u diray Dhamaan Ehelka, Qaraabada iyo bahda Ciyaaraha uu ka baxay Axmed Cabdikariim Walaayo (Cantar Jeenyo) halyeeygii hore ee kooxda LLPP Jeenyo iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Geerida naxdinta leh ee kutimid.
Dadka ka tacsiyadeeyay sidoo kale waxaa ku jira Halyeeyo Sports, Siyaasiyiin hore, iyo Guud ahaan Bahda Sports ka ee Soomaaliya, sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Fathudin Ali Ospite ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Geerida Cantar Jeenyo, waxana uu ku sifeeyay Shaqsi Bashaash ah oo dadku wada jeclaayeen.
Cantar Jeenyo ayaa saaxaada Sports ka ee Soomaaliya soo galay 1969-kii waxaana uu markiisi ugu horeeyay u ciyaaray Naadigii Bankigiyada, kadibna waxa uu u saftay naadigii Fiyaat, intaa kadib 1971 waxa uu ku biiray Kooxda LLPP Jeenyo, sanado kadib waxa uu ku biiray naadigii Gaadiidka, waxaana uu dib ugu soo laabtay markale naadigiisi LLPP Jeenyo.
Cantar Jeenyo ayaa waqtigiisi Ciyaaraha kusoo gaba gabeeyay naadiga Al-itixaad ee ka dhisan dalka Qatar oo muddo 10sano ah uu u ciyaarayay, Sanadihii ugu dambeeyay waxa uu ku noolaa Dalka Canada waxaana uu muddo ka badan 30sano kamid ahaa Guddiyada abaabulka iyo farsamo Ciyaaraha is dhexgalka ee Qurba Joogta Soomaalida ee wadankaasi Canada.