12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2024
30 Qof oo ku Geeriyootay dagaal beeled ka dhacay degmada Cadale ee G.Shabeelaha Dhexe
 

Sabti, December, 7, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ugu yaraan 30 qof ay ku Geeriyoodeen dagaal beeleed xooggan oo Jimcihii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dagaalkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Cadale ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhinacyadii dagaalamay waxaane ku jira dad rayid ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska horimaadkan, balse waxaa muddooyinkan soo jiitamayay xiisad u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

Xaalada ayaa ah mid qasan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhaco maadaama labada dhinac ay wadaan abaabulka ciidankooda, degaanka lagu dagaalamay ayaa wali waxaa laga dareemaya xisaad colaadeed.

Dhacdadan ayaa muujineysa caqabadaha amni ee Soomaaliya ka jira, gaar ahaan dhulka miyiga ah oo ay ku badan yihiin colaadaha salka ku haya qabiilka.

Inkastoo Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay dadaal ugu jiraan sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa, ayaa haddana waxaa dalka ka socda rabshado qabaailka salka ku haaya gaar ahaan reer Guurada oo isku qabsada Ceel biyood.