1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2024
Daacish oo weerar Ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaadday ciidamada Puntland ee Dharjaale
 

Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa ka dhacay weerar culus oo ay kooxda Daacish ku qaadday taliska ciidamada Puntland, iyagoo isticmaalay weerar ismiidaamin ah.

Weerarka ayaa lagu beegsaday ciidamo uu horkacayo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland, Maxamed Shire Baari, oo maalmahan ku sugnaa Dharjaale si uu abaabul dagaal uga sameeyo.

Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay.

Warar ay helayaan warbaahintu ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lug lahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isku qarxiyay, halka kuwa kale ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa ugu dambayn ku guuleystay inay soo afjaraan dhammaan dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Hase yeeshee, weli si rasmi ah looma xaqiijin tirada saxda ah ee khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dhinaca ciidamada.

Weerarkan ayaa ku soo aaday xilli ciidamada Puntland ay qorsheynayeen weerar ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaas ee gobolka Bari.

Wixii warar dheeraad ah ee ku saabsan khasaaraha iyo xaaladda deegaanka, kala soco wararkeenna dambe.