12/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2024
Soomaaliya iyo Itoobiya oo kawada hadlay dhameystirka Qodobadii kasoo baxay Shirkii ka dhacay Ankara

Talaado, December 24, 2024 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso heshiiskii Ankara ka dib wadahadal ay la yeelatay wafdi ka socday Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.

Wafdiga Soomaaliya, oo shalay gaaray Addis Ababa waxay wadahadal la yeesheen Mas'uuliyiin uu ku jiray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya uu Danjire Mesganu, Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in wada-hadallada diiradda lagu saaray “xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya” iyo sidii loo sahmin lahaa si hufan oo loo dhaqan gelin karo heshiiskii Ankara.

Danjire Mesganu ayaa xusay in booqashadan ay ka dhigan tahay booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo uu wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya tagayo Itoobiya kadib markii la saxiixay heshiiskii Ankara.

Labada Wasiiru Dowle ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay sii wadida wada-hadalladooda si loo hirgeliyo heshiiska si wax ku ool ah oo loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, sida ay sheegtay warbaahinta itoobiya.

Danjire Mesganu ayaa ku nuux-nuux saday in nabadda Soomaaliya ay muhiim u tahay xasiloonida Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado si loo xaqiijiyo nabad waarta, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta xasilloonida.

Cali Cumar ayaa ku tilmaamay wada hadallada uu la qaatay Wasiiru Dowlaha Itoobiya kuwo miro-dhal ah, wuxuuna ku cel-celiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay fulinta heshiiskii Ankara ee ahaa in la sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya Itoobiya.

Arintaan waxa ay imaanaysaa iyadoo ay Dowladda federaalka ay ku eedeysay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah kuwa ATMIS inay xadgudub ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayna dil iyo dhaawac iskugu dareen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidama Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada is qabsaday carada ka dhalatay in Ciidamada Itoobiya ay askar Soomaali ah ku weerartay Degmada Doolow iyadoo Dowladuna ay ku guda jirtay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen magaalada Ankara.