12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2024
Ku dhawaad 43,000 qof oo ku barokacay shaqaaqooyinka magaalada Ceerigaabo
 

Jimco, December 20, 2024 (HOL) - Rabshadaha sii kordhaya ee magaalada Ceerigaabo ayaa barakiciyay ku dhawaad 43,000 oo qof, taasoo ka dhigtay inay dadkan si degdeg ah ugu baahan yihiin cunto, hoy, biyo, fayadhowr, iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah.

Rabshadahan oo soo shaac baxay 14-kii bishan December ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku jiraan carruur ku dhaawacmay madaafiicda la isku adeegsanayo, waxaana hakad galay howlihii samafalka, dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo iskuuladii magaalada.

Xaalad degenaansho la'aan ah ayaa haatan laga soo sheegayaa Ceerigaabo tan iyo 16-kii December, ka dib markii ay isaga baxeen mid ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamayay halkaaas.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ayaa weli taagan, ciidamada magaalada la wareegay iyo dad shacab ah oo caraysan ayaa lasoo sheegayaa inay bililiqo ka geysteen xaafadaha laga barakacay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in qoysaska barokacay ay u baahan yihiin taageero bini'aadantinimo oo dhammaystiran, oo ay ku jiraan hoy, biyo nadiif ah, cunto, iyo daryeel caafimaad.

OCHA waxay sidoo kale walaac xooggan ka muujisay sii socoshada carqaladaha ka taagan Ceerigaabo.