12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Turkiga usoo bandhigtay qorshaha horumarinta kalluunka ku jira biyaha Soomaaliya
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga Booqasho rasmi ah ku jooga Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan oo Dowladda Turkiga kala hadlaya horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliya iyo labada Dowladood ay arrimahaasi iskaashi ka sameeyn doonan.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigay qorshaha rasmiga ah ee horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee loogu talagalay in ay ka faa'idaystaan labada dal ee saaxiibada ah.

Dhinaca kale Wasiirka Beeraha ee Turkiye wuxuu aad u soo dhaweeyay qorshahaan, asagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo fuliyo isla markaana sheegay in dhankooda ay siinayaan muhiimada koowaad labada dalna u yahay mid ay si wadajir ah uga faa’iidaysan karaan.

Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya iyo Wasiirka Beeraha Turkiga ayaa ugu dambeeyn magacaabay labo guddi oo hawshaan dardar geliya oo ay hoggaaminaayaan labada Agaasime Guud ee labada wasaaradood, xubnana ka yihiin aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal labada dhinac ka socda.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan arrimahaani dhan ay horseedayaan in faaido laga dhaliyo ka faaideysiga kalluunka ku jira biyaha Soomaaliya ayna soo dhoweenayaan cid waliba oo maalgashaneysa.