12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Gudoomiyihii hore Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku Geeriyooday dalka Mareykanka
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Waxaa magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ku geeriyooday allaha unaxariistee Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Cabdi Camalow, oo xilka hayay intii u dhaxeysay 1990 – 1991.

Cali Cabdi Camalow, wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer Agaasime, Kaaliye, Agaasime Guud, illaa uu ka gaaray jagada Guddoomiyaha Bankiga.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore.

"Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr Cali Cabdi Camalow, oo xilka Guddoomiyaha Bankiga hayay intii u dhaxeysay 1990 – 1991. Marxuumka wuxuu ku geeriyooday dalka Mareykanka (Ohio, USA) taariikhdu markii ay ahayd 16-ka December, 2024" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe.

Dadka ka tacsiyadeeyay Geerida Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Dr. Cali Cabdi Camalow Wuxuu ku dhashay magaalada Buulo Burte sanadkii 1942, wuxuu waxbarashada hoose ku dhameeystay Buulo Burte ka dib waxaa 1955kii waxbarasho Dugsiga sare loogu diray dalka Masar, Halkaas uu waxbarashada dugsiga sare ku dhameystay.

Dr. Cali wuxuu waxbarashadiisa ka dib dalka ku soo laabtay 1963 ka dibna isla sannadkaas waxay deeq  waxbarasho  ugu dirtay Dowladda Soomaaliya dalka Mareykanka Chicago Illinois halkaas uu waxbarashadiisa sare Jaamacadda ku dhameystay kuna taqasusay dhaqaalaha iyo maareynta, wuxuu ifka ugu tagay xaas iyo caruur iyo waxay sii dhaleen.

Allaha unaxariistee Dr. Cali Cabdi Camalow Waxaa lagu xasuustaa  inuu xiray dhamaan Accounts-kii Bankigga Dhexe si aan loo boobin hantida qaranka ilaa la helo Dowlad aan ku meel gaar ahayn.