Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda dalka Itoobiya ayaa sheegay in saamaynta sii kordheysa ee Turkiga ee xallinta khilaafaadka gobolka ay sii wiiqayso awoodda Itoobiya ee ku aaddan doorkeeda hoggaamineed ee Geeska Afrika.
Waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inuu ku guuldaraystay hanka ballaaran ee Itoobiya ay ka leedahay gobolka, gaar ahaan ka dib wadahadallada nabadeed ee lagu qabtay magaalada Ankara.
Falaqeynta ayaa lagu sheegay in wadahadallada Turkigu ay muujinayaan isbeddelka ku yimid dhaq-dhaqaaqyada awoodda gobolka, iyadoo Abiy Axmed lagu dhaleeceeyay ku tiirsanaanta dhexdhexaadinta dibadda halkii uu toos ula xiriiri lahaa dowladda Soomaaliya.
Waxay ku doodeen in tani ay tahay calaamad muujinaysa daciifnimo ku timid istaraatiijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.
“Saamaynta sii kordheysa ee Turkiga ee xallinta khilaafaadka gobolka waxay sii yaraynaysaa awoodda Itoobiya ee ah inay xakamayso sheekadeeda, waxayna xoojinaysaa mowqifka Soomaaliya ee khilaafka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxay intaas ku dareen in natiijada ka soo baxday wadahadallada Ankara ay dhabarjab diblomaasiyadeed ku tahay Itoobiya, taasoo ay shegeen in ay si cad su’aal u gelinayso istaraatiijiyadda fog ee Itoobiya ee ku aaddan gelitaanka Badda Cas iyo doorka ay ka ciyaareyso awoodda gobolka.
“Guul darrada uu Abiy Axmed ku waajahay xallinta xiisadaha kala dhexeeya Soomaaliya ma aha oo kaliya inay wiiqayso saamaynta Itoobiya ee gobolka, balse waxay sidoo kale sii xoojineysaa shakiga laga qabo hoggaankiisa iyadoo ay sii xoogeysanayaan caqabadaha dhaqaale iyo juqraafiyeed ee dalka ka jira,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta.
Waxay ku baaqeen in la sameeyo dib u eegis qoto dheer oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya si looga fogaado sii luminta saamaynta ay Itoobiya ku leedahay gobolka Geeska Afrika.