Isniin, December 16, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland, Axmed Cabdi Muuse, oo kulan la qaatay taliyayaasha guutooyinka ciidanka gobolka, ayaa sheegay in magaalada laga sifeeyay ciidamadii SSC Khaatumo ee dagaalka la galay kuwa Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay dibadda iyo gudaha magaalada labadaba, isla markaana ay ciidamada Somaliland guulo ka gaadheen, iyaga oo gacanta ku dhigay maxaabiis.
Waxa uu ka digay in la bililiqeysto guryaha dadka qaarkood ka qaxeen ee magaalada, isaga oo ciidamada amar ku siiyay in ay tallaabo ka qaadaan qof kasta oo xatooyo sameeya.
"Ciidanku waxay amar u haystaan in cid kasta oo shifto ah ama guryaha bililiqo ugu jirta in ay tallaabo adag ka qaadaan, amar cad oo buuxa ayaad u haysataan tallaabo ka qaadkooda dadka ku kacaya falalkaa," ayuu yidhi.
Dhinaca kale, waxa uu ka digay dadka shacabka ah ee hubaysan ee qoryaha dhex sita magaalada, isaga oo ciidamada ku amray in ay xabsiga u taxaabaan qofkii qori lagu arko.
"Qofka shicib ah ee Ceerigaabo lagu arko isaga oo qori sita, ciidanku waxay ku amranyihiin isaga iyo qorigaba in ay qaadaan," ayuu yidhi. "Oday ayaan ka daba iman doonin, cid kale oo looga habranayo ayaan jirin."
Waxa uu sheegay in dadka magaalada deggan aanay wax colaad ahi ka dhaxaynin, laakiin ay colaadu ka dhaxayso nidaam, iyo cid nidaamka duulimaad ku ah. SSC Khaatumo, ayaa dhankeeda Somaliland ku eedaysay in ay masuul ka tahay colaada kasoo cusboonaatay gobolka.
Ciidamada Somaliland ayaa dib ula wareegay xaafado ka tirsan magaalada oo lagu soo daadgureeyay ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo, laakiin saansaan colaadeed ayaa wali ka taagan koonfurta Sanaag, oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan.