9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalka cusub ee badali doona ATMIS iyo dowladaha daneynaya
 

Khamiis, Agoosto, 8, 2024 (HOL) - Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa markale shaaca ka qaaday in waqtiga howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkaan 2024, islamarkaana howlgal cusub oo waqti cayiman ah lagu badali doono.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in howlgalka cusub ee waqtiga cayiman ah ay go’aamineyso dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana muhiimadiisu tahay sidii ay dowladda Fedaraalka uga taqalusin laheyd kooxda Al-shabaab.

Lataliyaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in 12-ka bishan qorshaha howlgalka cusub loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howgalka cusub.

"Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweynaha Xuseen Macalin.

Wuxuu sidoo kale sheegay lataliyaha amniga Qaranka in howlgalkaan cusub dowladaha ka qeyb qaadanaya ay u madax banaan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana dowladda marka la ansixiyo ay heshiisyo gaar gaar ah la gali doonto dowladaha qeyb ka noqonaya howgalka loogu magac daray AUSSOM.

Ugu dambeyntii dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegeen iney daneynayaan howlgalkan iney qeyb wayn ka qaataan, waxaana sidoo kale jira dowlado kale oo daneynaya ka qeyb noqdaan howlgalka cusub.