9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2024
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka
 

Khamiis, Agoosto, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah  meel mariyay Xeerarka Doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo ay sheegeen in lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed  Jimcaale ayaa sheegay in xeerarkaan ay dalka u horseedayaan in la gaaro doorasho qof iyo cod ah, si buu yiri muwaadiinta  loo siiyo xaqa ay u leeyihiin in talada dalka dib loogusoo celiyo  iyaga.

Xeerarkaaan ayaa la filayaa in todobaadka soo socda la horgayndoono baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah xildhibaanada, baarlamaanka ay diiddan yihiin xeerarkan.

Xeerka xisbiyada ayaa dhigaya in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya, taasoo ay si weyn ugasoo horjeedaan mucaaradka. Sidoo kale xeerka doorashooyinka waxaa uu isna dhigayaa in laga guuro in baarlamaanku wax doortaan, taas beddelkeedna loo guuro nidaamka madaxtooyada, kaasoo ah in dadku ay si toos ah usoo dooranayaan madaxdooda.

Muddo xileedka u harsan madaxweyne Xasan Sheikh oo ah wax ka yar labo sano, ayaa walaac ku ah dhaqan galka xeerarkan. Dadka dhaliilsan dowladda ayaa sheegaya in qorshaha laga leeyahay xeerarkan uu yahay kuwa dariiqa u jeexayo muddo kororsi ay dowladda maanka ku hayso.