9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2024
Labo nin Soomaali ah oo ku sugan Maraykanka oo qirtay inay isku dayeen inay ku biiraan Daacish
 

Khamiis, Agoosto, 8, 2024 (HOL) - Laba muwaadin oo Soomaali ah, kuna nool magaalada Tucson ee dalka Maraykanka, ayaa qirtay dambi ku saabsan inay maleegayeen inay ku biiraan kooxda Daacish  (ISIS).

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Arizona, Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen, oo 25 jir ah, ayaa midba midka kale ku heshiiyay inay u safraan Masar si ay ugu dagaalamaan Daacishta ku sugan gacanka Siinaay, laga soo bilaabo dabayaaqadii 2018 ka hor inta aan  la xirin bishii Luulyo 26, 2019.

Axmed Mahad Maxamed waxa uu khadka internetka ka raadiyay taageereyaal kale oo Daacish ah bishii Agoosto 2018, isaga oo sheegay in uu doonayay in uu u safro dhulka ay ISIS maamusho.

Waxa uu sheegay in riyadiisu ay ahayd in uu ku biiro kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya.

Waxa uu xilligaas tilmaamay in saaxiibkiis Cabdi Yemeni Xuseen uu isna doonayay inuu u safro dhulka Daacish. Labaduba qof ahaan ayay kulmeen 2019 si ay uga wada hadlaan qorshayaasha.

Xuseen ayaa soo jeediyay in ay weeraraan Aqalka Cad haddii laga hor istaago safarka ay ku tagayaan dhulka Daacish, sida lagu sheegay dacwaddooda.

Xukunkooda ayaa loo qorsheeyay Oktoobar 11.