9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2024
Dadka ku nool deegaanada gobolka Bakool oo amaro cusub la duldhigay
 

Khamiis, Agoosto, 8, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha deegaanada gobolka Bakool ayaa soo saaray amaro ku socda dadka ku nool deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Awaamiirta kasoo baxday taliska ciidanka xoogga ee gobolka Bakool oo ka kooban ilaa 6 qodob ayaa ahaa dhamaantood kuwa quseeya dagaalka lagu doonayo in deegaanadaasi looga xureeyo kooxda.

Qodobada waxaa ka mid ah in dadka shacabka ah aysan la macaamili karin Al-shabaab iyo iney isaga fogaadaan goobaha Al-shabaab joogaan oo laga fulin doono weeraro ka dhan ah Al-shabaab.

Taliska ciidanka xoogga ee gobolka Bakool ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka oo ay soo gudbiyaan xogaha Al-shabaab, waxaana taliska uu balan qaaday in abaal marino la siin doono qofkii xog dhameystiran soo gudbiya.

Amaradaan kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha deegaanada gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka la sheegay iney u diyaar garoobeen howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada gobolkaas.