9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay ka difaaci doonto cidkasta oo amaan daro ka abuurta gobolka Sanaag
 

Khamiis, Agoosto, 29, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo wacad ku martay in cid kasta oo gobolka Sanaag xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa khal-khal gelinaysa ay ka difaaci doonto.

Qaraar kasoo baxay golaha wasiirrada ayaa lagu go’aamiyay difaaca Somaliland in doorashoyinka wakhtigooda lagu qabto, qaraarka waxa lagu sheegay in shacbiga gobolka Sanaag ay muddo dheer nabad ku wada noolaayeen lakiin ay soo baxeen kooxo abaabulan oo nabada khatar ku ah, kuwaasi oo raba in ay khalkhal-galiyaan nidaamka doorashooyinka.

"Xukuumadda Somaliland waxay wacad ku maraysaa in cid kasta oo gobolka Sanaag xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa khal-khal-gelinaysa ay ka difaaci doonto iyadoo kaashanaysa shacbigeeda" ayaa lagu yidhi qaraarka golaha.

Golaha ayaa ugu baaqay beelaha wada dega Gobolka Sanaag inay ka feejignaadaan cidkasta oo cadaw ku ah wada jirkooda iyo nabadgelyadooda, isla markaana ay nabad ku wada noolaadaan "kuwa colaadaha u soo rarayana ilgaara kuwada eegaan" ayaa lagu yidhi qaraarka.

Golaha ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay xisbiyada iyo ururada siyaasada si looga wada tashado difaaca Somaliland iyo doorashooyinka soo socda.

Ugu danbayn, goluhu waxa uu ka digay ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya oo ay sheegeen in ay amniga khatar ku yihiin, waxa kale oo uu beesha caalamka ugu baaqay in anay dhagaysan baaqyo uu goluhu sheegay in ay ka dhanyihiin ganacsiga Somaliland oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya.