9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2024
Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo Shiinaha iyo waliba magacaabista masuul cusub
 

Khamiis, Agoosto, 29, 2024 (HOL) - Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha iyo waliba magacaabista masuul cusub.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyay heshiis ku saabsan Iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa sidoo kale shirka Golaha Wasiiradda ee Maanta lagu ansixiyay soo jeedin ka timid Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta oo aheyd magacaabista Maareeye ku xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, kuwaas oo ay dhawaan golaha Wasiiradda kasoo saareen qaraar lagu dhaqan gelinayay.

Ugu dambeynti Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga ee Xukumadda Fedaraalka ayaa warbixino la xariira amniga guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab looga ka dhageystay shirka Golaha Wasiiradda.