9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay magaalada Buula mareer

Khamiis, Agoosto, 29, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay gudaha magaalada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda ka jooga Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

Weerarka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka ATMIS ee ku yaala gudaha magaalada Buula mareer.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ATMIS ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhnac ay isku adeegssadeen hubka noocyadiisa kala, islamarkaana qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Ilo ku sugan magaalada Buula mareer oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in weerarka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmga ah.

Xaaladda Buula mareer ayaa saakay ah mid degan, waxana duuleedka magaaladaas haatan ka socda howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS oo kusii raad jooga xubnihii Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Buula mareer.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka iyo ciidanka ATMIS oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Buula kareer, hayeshee waxaa xusid midan in Al-Shabaab sidaan oo kale weerar ay sanadkii hore ku qaaday Saldhiga ciidamada ATMIS magaalada Buula mareer iney ku dileen ugu yaraan 57 askari oo u dhashay dalka Uganda.