9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2024
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan xadgudub uu kula kacay dad shacab ah

Khamiis, Agoosto, 29, 2024 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xiray askari boolis ah oo muuqaal iska soo duubay isagoo xad-gudub ku sameynaya dadka degmada Dharkenley ee Mogadishu.

Muuqaalka ayaa muujinaya askariga oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Warsame oo qori ku fiiqaya dad waddada maraya. Warsame ayaa ku dooday in uu muuqaal iska duubayay.

Taliska booliska ayaa xaqiijiyay in askariga la horkeeni doono maxkamad si uu u wajaho dacwadaha ka dhanka ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa labo maalmood kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu degamadda Xamarjajab ku dilay nin muruq-maal ah oo lagu magacaabayay Ismaaciil Cali Maxamed.

Marxuumka oo ahaa aabbe afar carruur ah leh ayaa loo dilay lacag ka yar $0.25, oo u dhiganta 3,000 shilin Soomaali ah. Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.