8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Dowladda Soomaaliya oo jawaab culus ka bixisay hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya
 

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Aadan Xaadoow ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim oo si adag ugu dhaliilay dowladda Soomaaliya go'aanka ay ka qaadatay damaca guracan ee Itoobiya.

Xamse Aadan Xaadoow ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dowladd waxna diidi karta waxna ogolaan karta, islamarkaana marnaba aysan aqbali doonin in lagu soo xadgudbo madax banaanideedda dhuleed.

"Aadan Faarax Ibrahim waxa fajaca iyo layaabka ku noqday maalmahan, waxa weeye in uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana maya dhihi karta damaca Abiy Axmed. Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan" ayuu yiri Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda Xamse Xaadoow.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Xoghayaha Joogtada in madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim damaciisa dhabta ah inuu yahay in Itoobiya loo hogaansamo oo dhulkii ay horay u heysatay badda loogu daro.

"Waxaan maqli jiray “mudul gubtay mudul gubtay kama naxo” oo dhibta uu isagu ku jiro ayuu malaha la doonayaa in Soomali badan ay lasoo galaan ama hadii si kale loo dhigo maadaama uu isagu yahay Itoobiyaan wuxuu moodaa in Soomali oo dhan ay tahay Itoobiyaan, malaha wuxuu kala garan waayay xuduudaha iyo dalalka geeska!" Ayuu yiri Xoghaye Xamse Aadan Xaadow.

Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Itoobiya damaceeda uusan ku koobneyn Dekad raadis ee u jeedkeedu uu yahay dhul boob iyo bad boob.

"Itoobiya waxaa xuduud la leh waddama bad leh sida; Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Eratareeya iyo Suudaan. Haddii Itoobiya ay dekedo isticmaasha dooneyso waxa ay hadderba isticmaashaa Dekedaha Jabuuti iyo Kenya, waxaase cad iney dhul-boob iyo bad-boob tahay, una aragto dalka kaliya ee ay boobi kartaa inuu yahay Soomaaliya, iyada oo ka fiirineysa halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay oo ay u aragto in sanado kadib aynan suurtoobeynin in la boobo, waxaase horay u dhicin, maantana dhaceynin, beritana dhici doonin in dhul iyo bad Soomaali leedahay la boobo."  ayuu hadalkiisa raaciyay Xoghaye Xamse Xaadow.

Ugu dambeynti Xamse Xaadoow ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya in ay ka shaqeyso Nabadgalyada gobalka oo dan u ah dhamaan dowladaha gobolka, islamarkaana Soomaaliya ay dhankeeda diyaar u tahay deris wanaag, is ixtiraam, sinaan iyo nabad kuwada noolaasho.