8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Faahfaahin ku saabsan qaraxyo baabuur lagusoo raray oo lagu burburiyay Ceelasha Biyaha

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo maanta barqadii ciidamada NISA ay ku guulaysteen inay fashiliyaan labo gaari oo laga soo buuxiyay qaraxyo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa mid kamid ah baabuurta qaraxyada lagasoo buuxiyay ku guulaystay inay qarxiyaan, halka midka labaadna uu gaari Cabdi Bile ah ku horgooyay askari NISA katirsan oo halkaas ku geeriyooday.

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa hore fashilintiisa ay ku geeriyoodeen dhowr askari oo katirsan ciidamada dowladda. Taliyaha NISA Sambaloolshe ayaa u mahad celiyay ciidanka NISA ee fashiliyay qaraxyadan dadka lagu gumaadi lahaa.

Qaraxyadan la fashiliyay ayaa kusoo aaday xilli ay soo baxday digniin la sheegay in ay kasoo baxday UN-ka oo lagu faafiyay baraha bulshada, taasoo laga digayay qaraxyo lala maleegayo baraha isgoysyada ciidanka NISA ee magaalada Muqdisho, iyo meelo kale oo ay jiraan hotelo iyo xarumo kaloo caan ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa goor dambe beeniyay in digniinta lagu faafiyay baraha bulshada ay kasoo saareen xafiiskooda.