8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Hay'adda Duulista Soomaaliya oo digniin xooggan u dirtay shirkadda Duulimaadyada Ethiopia
 

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa digniin u dirtay diyaaradda Ethiopian Airlines, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay xadgudubyada soo noqnoqday ee ay ku hayso madax-bannaanida Soomaaliya.

Qoraal hay’addu ay soo saartay ayay ku muujisay inaanay ku qanacsanayn is-bedelka Ethiopian Airlines ay dhawaan ku samaysay hawlaheeda duulimaadka ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay walaac ka muujisay sida ay shirkadu u ixtiraami wayday madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan sida loo aqoonsado duullimaadyadeeda ku socda gudaha Soomaaliya.

In kasta oo ay jiraan wada-hadallo badan oo dhexmaray mas’uuliyiinta hay’adda, Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee labada magaalo ee Muqdisho iyo Addis Ababa, haddana hay'addu waxay sheegtay in shirkadda ay meesha ka saartay tixraacyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya, iyadoo adeegsata kaliya magacyada garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Hay’adda Duulista waxay siisay diyaaradda Ethiopian Airlines kama dambays inay 23 Agoosto 2024 wax ka qabato walaacyadaas. Hadii ay taasi dhici waydo waxay sheegtay inay keenayso in la hakiyo dhamaan duulimaadyadii Ethiopian Airlines ee Soomaaliya.