8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Itoobiya oo wada dhaqdhaaqyo ay Ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa billowday dhaqdhaqaaqyo ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, tallaabadaas oo qeyb ka ah xiisadda sii xoogeysatay ee ka dhalatay heshiiskii marin biyoodka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, oo ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.

Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis), ayaa hadda hormuud ka ah dhimista joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in boqolaal katirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidkooda dagaalka ay durba bilaabeen in ay isaga baxaan qaar kamid ah saldhigyada ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamadan ayaa qeyb ka ah in ka badan 4,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya.

Go’aanka ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in ciidamada Itoobiya aysan sii joogi doonin Soomaaliya, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska ku xadgudubka badda Soomaaliya. Lataliyaha amniga ayaa sheegay in hadii loo hoggaansami waayo dalabkan ay ka dhigayso joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya mid sharci darro ah.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Masar oo Itoobiya ay isku hayaan biyaha Niilka, ay ballanqaaday inay ciidammo u soo dirayaan Soomaaliya si ay uga qayb-qaataan howlgallada  cusub ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.