8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay bar koontarool oo ku taala inta u dhaxeysa xaafadaha Macaani iyo Tareedishe oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kaasoo ka dhacay afaafka hore ee xero ciidanka NISA ku leeyihiin halkaas oo lagu baaro gaadiidka soo gala gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa 5 askari oo ka tirsan ciidanka NISA iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa Ismiidaaminta, waxaana sidoo kale jira waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo wadada maraayay.

Kooxda Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxa ayaa warbaahintooda ku baahiyay in qaraxa khasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidanka Nabadsugida ee halkaasi fariisinta ku lahaa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa Ismiidaaminta ah.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay si weyn uga yaraadeen qaraxyada noocaan oo kale ah oo ay kooxda Al-shabaab ka geysan jirtay Muqdisho.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan