8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2024
Qaramada Mdioobay oo beenisay inay soo saartay digniin Amni oo Ku wajahan shaqaalaheeda Muqdisho
 

Arbaco, Agoosto, 21, 2024 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa iska fogeeyay warbixin la sheegay in Qaramada Midoobay ay soo saartay oo dhinaca ammaanka ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.

War qoraal oo kooban oo kaasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, waxayna shacabka ugu baaqday in aan la rumaysan.

Qoraalka been abuurka ah ayaa lagu sheegay, in Xafiiska Qaramada Midoobay uu soo saaray digniin amni oo deg deg ah oo ku wajahan dhammaan  shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo uga digay khatarta qaraxyo baabuurta loo adeegsanayo.

Sida lagu sheegay digniinta, shan ka mid ah qaraxyada ayaa la aqoonsaday, kuwaas oo bartilmaameedsanaya dhowr goobood oo caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oo ah kala ah, Elite Hotel, Km4, SYL Hotel, Dorbin Hotel, Dabka, Jazeera Hotel, Lido Beach, Makkah Al-Makaramah iyo  Isgoysyada NISA.

Dhawaan ayay ahayd markii digniin ay bixiyeen UN-ka ay sababtay in maalmo kaddib la weeraro hotel Beach View ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 40 qof oo shacab u badnaa.