8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2024
Iskusoo bax lagu cambaaraynayay dilka hoggaamiyihii Xamaas oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Jimco, Agoosto, 2, 2024 (HOL) - Kumanaan shacabka magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan culima-awdiin ayaa sameeyay iskusoo bax ballaaran oo ay ku cambaaraynayeen dilka Yahuuddu u geysatay hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, kaasoo maalmo ka hor lagu dilay Tehran.

Shacabka sameynayay iskusoo baxa oo watay calanka Falastiiniyiinta iyo sawirka marxuum Ismaaciil Haniyeh ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta. Sidoo kalena ay kagasoo horjeedaan Israaiil.  

Sheikh Cabdi Xayi oo kamid ah culimadii ka qeyb gashay iskusoo baxan ayaa sheegay, in Ismaaciil Haniyeh uu yahay Shahiid ilaaheey, wuxuuna Alle uga baryay inuu dhibaatada ka dulqaado shacabka reer Falastiin ee muslimiinta ah.

Culimada iyo shacabka ayaa socod dheer ku maray qeyb kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Sidoo kale khudbadaha salaadda Jimcaha ee maanta laga jeediyay masaajidda magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo loogu ducaynayay shacabka Falastiin iyo hoggaamiyaha Xamaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cambaareysay dilka Israa’iil u geysatay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, dilkaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegay falkaas ku tilmaamtay inuu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.