8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2024
Aadan Ducaale: Musuqmaasuqu wuxuu Kenya ku yahay khatar ka weyn midda Al-shabaab
 

Jimco, Agoosto, 2, 2024 (HOL) - Wasiirka deegaanka ee dalka Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu caqabad weyn ku yahay qorshaha horumarinta Kenya marka loo eego khatarta kooxda Al-Shabaab.

Ducaale ayaa hadalkan sheegay Jimcihii maanta mar uu hortagay guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta, isagoo ka jawaabayay su'aal uu weydiiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Kimani Ichung'wa.

Aadan Ducaale, ayaa sheegay in musuq maasuqa uu Kenya ku hayo khatar ka weyn tan kooxda Al-Shabaab. Ducaale waxa uu sidoo kale tilmaamay in musuq-maasuqu uu xuddun u yahay dhibaatada ka taagan dhulka keymaha ee Kenya.

“Al-Shabaab waa la aqoonsan karaa oo waa la heli karaa, musuq maasuqase waa khatarta qarsoon ee dalka wax u dhimeysa” ayuu yiri Aadan Ducaale.

“Haddii maanta la i weydiiyo Al-shabaab iyo Musuq-maasuqa mid kee khatar weyn ku ah Kenya, anigoo aan ka labo labayn, waxaan dhihi lahaa Musuq-maasuq, waayo Al-shabaab waad garan kartaan, halka ay ku sugan yihiin waad garanaysaan, awooddoodana waad garanaysaan, balse Musuq-maasuqu waa midka dalkeenna dilaya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tiro aad u badan oo kaymo ah ay leeyihiin saraakiil dowladeed oo xilal sare ka haya dowladda, isagoo ballan qaaday in ay kala noqonayaan haddii baarlamaanka uu xasaanadda siiyo.