8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2024
Guddiga Nabadda Midowga Afrika oo kulan ka yeelanaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Jimco, Agoosto, 2, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa todobaadka cusub ee berri ah isugu imaan doona kalfadhi si ay dib u eegis ugu sameeyaan Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib howlgalka Midowga Afrika ee  Soomaaliya (ATMIS).

Kalfadhigan oo markii hore loo qorsheeyay 25 Luulyo ayaa dib loo dhigay laba jeer. Waxaa la saadaalinayaa in  lagaga hadlo sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa howlgalkan oo lagu magacaabo howlgalka xasilinta iyo taageeridda Soomaaliya ee AU-da (AUSSOM).

Guddiga nabadda Midowga Afrika ayaa warbixino ka helidoona Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Mohamed El-Amine Souef.

Waxaa la filayaa in howlgalka ATMIS-ka ka dambeeya uu ka koobnaan doono 11,911, kuwaas oo ka kooban 85 rayid ah, 11,146 militari ah iyo 680 boolis ah, waxaana la geyn doonaa 4 waaxood.

Qaabka uu noqon doono howlgalka ayaa waxaa ka mid ah in laga soo xuli doono ciidamada hadda jira ama lagu soo kordhin doono ciidamo cusub iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs).

Hawlgalka cusub ee ATMIS ka dambeeya dib ayaa la filayaa inuu socdo muddo afar ah sano ah.