8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2024
Booliiska Puntland oo dadka uga digay Fuusto laga shakiyay oo ku soo caariday xeebaha Mudug
 

Jimco, Agoosto, 2, 2024 (HOL) - Booliiska Puntland ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan fuusto xiran oo kusoo caariday xeebaha gobolka Mudug, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo sun ah.

Fuustadan ayaa waxay saraakiishu ka shakiyeen in ay biyaha kaga tageen dadka qashinka halista ah ku daadiya badda.

Foostada ayaa toddobaadkan ku soo caariday deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 900km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Dadka deegaanka Ilfoxshe iyo kuwa ku dhaqan xeebaha gobolka Mudug waxaa si gaar ah looga digayaa in ay ka fogaadaan konteenaro qariib ah oo laga yaabo in ay ku jirto sun iyo walxaha qarxa. Khatarta noocaan oo kale ah waxay saameyn kartaa dadka iyo deegaanka,” ayuu booliisku ku yiri hadal uu soo saaray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo bulshada ku dhaqan xeebaha ay la kulmaan haamo dul sabeynaya biyahooda.

Shirkado aan la aqoon oo ka yimid Yurub ayaa lagu eedeeyay inay  ku daadiyaan biyaha Soomaaliya qashinka sunta ah.

Ma jirto qiimeyn sax ah oo lagu sameeyay baaxadda qashinkaas, balse qiyaasaha qaar ayaa sheegaya in ilaa 35 milyan oo tan oo qashin ah si sharci darro ah loogu daadiyay biyaha Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira dawooyin, haraaga Nukliyeer iyo haraaga warshadaha.