8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2024
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ugu baaqay culimada Soomaaliyeed in ay joojiyaan kala qeyb sanaantooda loona midoobo dagaalka Alshabaab
 

Jimco, Agoosto, 2, 2024 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirweynihii labaad ee culuma’udiinka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay la-dagaalanka Alshabaab, dowladnimada Soomaaliya, gooni-isu-taagga iyo khataraha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday doorka muhiimka ah ee culimadu Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarka dalka. Wuxuu ku booriyay culumada inay xoojiyaan isku xirnaantooda, lagana gudbo kala qeybsanaanta, isagoo ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay khatar weyn ku yihiin dhaqaalaha, bulshada iyo jiritaanka qaranka.

"Argagixisadu waxay faafiyaan jahliga, diinta xun, iyo dhaqanka xun, waxayna u horseedaan ummad aan dhaqan iyo hoggaan lahayn," ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhiirri galiyay culimadu in ay la dagaalamaan qabyaalada iyo dhibaatooyinka kale ee ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, waxa uuna u mahad celiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo soo qaban qaabisay shirkan sanadkii labaad oo xiriir ah.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehelada culimo caan ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Cismaan Xiddig iyo hogaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniye.

Raysal wasaaraha ayaa cambaareeyay dilka Ismaaciil Haniyeh, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay ku tilmaantay falkaas mid xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah.