9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2024
Isbaheysiga warbaahinta oo dalbanaya in Soomaaliya ay baabi'iso sharciga macluumaadka ee muranka dhaliyay
 

Isniin, Agoosto, 19, 2024 (HOL) - Isbahaysi ka kooban ururrada saxaafadda caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida, oo ay ku jiraan Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ) iyo Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), ayaa ku baaqaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka laabato sharciga macluumaadka ee muranka dhaliyay, iyagoo ku doodaya in uu halis weyn ku yahay xuquuqda dadweynaha ee helitaanka macluumaadka.

Sharciga Macluumaadka (OIB), oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada bishii Maarso 2024, ayaa haatan wuxuu horyaallaa oo dib u eegis ku haya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna abuuray walaac ballaaran oo ka yimid ururrada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, isbahaysigu waxa uu muujiyay "walwal weyn" oo ku saabsan sharcigan, kaas oo ay ku andacoonayaan in uu si xun u xaddidayo xuquuqda dastuuriga ah ee helitaanka macluumaadka, taas oo ka hor imaanaysa heerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

Waxay sheegeen in qeexitaannada aan caddayn ee sharcigan ay noqon karaan kuwo si fudud loogu adeegsan karo in marmarsiiyo looga dhigo qarinta macluumaadka, taasoo halis weyn ku ah hufnaanta iyo isla xisaabtanka bulshada

"Sharcigan wuxuu si aan macquul ahayn u xaddideyaa socodka macluumaadka, iyada oo la jabinayo xuquuqda dadweynaha ee ogaanshaha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Isbahaysigu waxa kale oo uu dhaleeceeyay habka loo dejiyay sharcigan, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay arrin si weyn looga murugsan  yahay.

Sida ay sheegayaan IFJ iyo la-hawlgalayaasheeda, sharcigan waxaa la qoray oo loo soo bandhigay Golaha Wasiirrada si qarsoodi ah, iyadoo aan la samayn wax wadatashi ah oo lagama maarmaan ah ama ka qaybgelin daneeyayaasha.  Waxay ururada saxaafaddu sheegeen inuu sharcigan abuurayo dhaqanka qarsoodiga ah ee hay'adaha dawladda Soomaaliya, iyo in musuqmaasuqu si fudud u faafo haddii la ansixiyo.

Isbahaysiga, oo ay ku jiraan Suxufiyiinta aan Xuduudda Lahayn (RSF), Xarunta Afrika ee Xorriyadda Macluumaadka (AFIC), iyo Ururka Afrika ee Suxufiyiinta (FAJ), ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya in ay sharcigan ka laabato oo ay la gasho wadahadallo dhammaystiran daneeyayaasha ay khuseyso.

Waxay ku doodeen in ansixinta sharcigan sida uu hadda yahay ay noqon doonto dib-u-dhac weyn oo ku yimaada isbeddelka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo in ay dhigi karto tusaale khatar ah oo loo qaadan karo sharciyada mustaqbalka.