9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2024
Turkey oo qorsheynaya sahminta saliidda badda Soomaaliya si uu u xoojiyo saameyntiisa Afrika
 

Isniin, Agoosto, 19, 2024 (HOL) - Turkiga ayaa qorsheyneya inuu bisha soo socota u diro markabka cilmi-baarista, Oruc Reis, baloogyada saliidda ee ku yaalla badda Soomaaliya, sida laga soo xigtay warbaahinta Bloomberg.

Tallaabadani ayaa waxay qeyb ka tahay dadaallada Turkiga ee sahminta saliidda cayriinka iyo tamarta ee Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Xaashi, ayaa xaqiijiyay qorshaha Turkey ee sahminta saliidda Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah sida uu sheegay xoojinta joogitaanka Turkiga ee Afrika.

Tallaabadani waxay ku soo beegmaysaa xilli uu Turkigu si firfircoon u doonayo inuu dhexdhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ka dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiska marin biyoodka ee Ethiopia ay la gashay Somaliland.

Turkiga ayaa aaminsan haddii uu ku guulaysto xallinta muranka labada dal inay kaalin ka qaadan karto qorshihiisa ku aaddan sahminta helitaanka kaydka saliidda ee aan weli la sahmin oo ku hoos jira badweynta Soomaaliya.

Sahaminta Soomaaliya waxay ka dhigan tahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka gaarista madaxbannaanida tamarta.

Sannadkii hore, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Turkigu uu kordhiyey heshiiskii saadka gaaska dabiiciga ah (LNG) ee Aljeeriya muddo saddex sano ah.